Beegsi ka dhex billowday Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uul ‘ka badbaaday’ dil

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa mas’uuliyiintiisa ka dhex billowday beegsi uu noociisu ku cusub yahay gobolka, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee maamulka degmada Wadajir oo maanta weerar lagu qaaday.

Ciise Sharaawe Cabdi oo warbaahinta kula hadlay degmada ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa isku dey dil oo uu ka bad-baaday.

“Fal yaab leh ayaa igu dhacay maanta aniga oo kusii socda degmada ayaa meesha u dhaxeysa degmada iyo laamiga waxay qolo burcad ah ugu hor jareen gaari Saruf ah igu hor jareen gaarigii waxayna igu bilaabeen xabad, halkaas waxa ka dhacay dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee maamulka degmada Wadajir.

“Qolada dagaalka igu soo qaaday waa qolo la yaqaan oo dadkii maamulka aan isku shaqada aheyn oo isku arki jirnay maamulka dhexdiisa, illaa hadda waa yaabanahay sababta ay ku dhacday nin aad iska ilaalineyn oo cadowgaaga ka dhiganeyn uu kusoo wareero.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan fileyn in beegsiga uu ka dhex bilaaban doono maamulka gudihiisa, ayna fajiciso ku noqotay sababta loo beegsanayo oo uu sheegay in uusan garaneyn.

“Ma moodeen maanta ka sokow inaan cadow labaad leenahay, balse waxaa ii cadaatay in cadowgii uu ka dhex billowday dowladda dhexdeeda oo dadkii aan isku cadowga aheyn aan wada-shaqeyneynay ay is beegsanayaan,” ayuu yiri Ciise Sharaawe.

Waxa uu sheegay in qaar kamid ah raggii soo weeraray gacanta lagu dhigay, lana aqoonsaday oo qaarkooda dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Madiina, halka kuwa kalena la geeyay saldhiga Wadajir.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in si deg deg ah looga howl-galo baarista weerarka lagu soo qaaday, isaga oo nasiib xumo ku tilmaamay in qaar kamid ah maamulka uusan rabin in dowladnimada shaqeyso.