Maareeye oo soo bandhigay xogta Boqor Buurmadow oo si qarsoodi ah ugu biiray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya in Boqor Cusmaan Buurmadow oo ka mid ah hoggaanka odayaasha dhaqanka ee deegaanada Somaliland uu ku biiray waxgaradka Soomaaliyeed ee u diiwaan gashay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka.

Maareeye oo soo dhaweeyey tallaabada Boqor  Cusmaan Buurmadow ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay waxuu ku yiri, “In Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow ogolaaday in uu dib qaato booskiisii 135-ta Oday dhaqameed waa arin lagu farxo oo waxtar weyn u noqonaysa.”

Sidoo kale Xildhibaan Maareeye ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimadda ay leedahay in booskaas uu ka soo muuqdo Boqor Buurmadow, waxuuna ku soo koobay laba qodob oo kala ah:

1 – Miisaanka odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka qaadan karaan xalinta khilaafaadyada jira iyo dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.

2 – Xoojinta iyo ka miro dhallinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in Boqor Cusmaan Buurmadow uu caan ku yahay xalinta khilaafaadka umadaha ku nool Geeska Afrika, isagoo tilmaamay inuu xiriirro la leeyahay inta badan dhaqanka dalalka Afrika.

“Boqor Cismaan Buurmadow waa Boqor ku caan baxay Xalinta khilaafyada culculus ee ka jira dhulalka ay Soomalidu degto iyo guud ahaan Geeska Africa, isla markaana ah Boqor xidhiidho fiican la leh guud Dhaqanka Africa maadaama uu ahaan jiray kuxigeenka Boqorka Africa xilligii uu noolaa Madaxweyne Mucaamar Al-Qadaafi, Boqor Buurmadow wuxuu sidoo kale xidhiidh fiican la leeyahay Dhaqanka iyo Boqorada wadamada Khaliijka iyo Aasiya,” ayuu yiri qoraalkiisa ku yiri Maareeye.

Xildhibaanka ayaa qormadiisa soo raaciyey aqoonsi muujinaya in Boqor Cismaan Buurmadow uu ku biiray 135-ka oday ee saxiixayaasha ah, kuwaas oo u diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.