Saddex ka mid ah madax goboleedyada oo sanadkan raba inay xilal ka qabtan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada heer Federaal weli uma socoto sidii loo qorsheeyey, waxaana lagu eedeeyey madaxda maamul Goboleedyada inay yihiin cidda gadaal uga dhagan geediga doorashada.

Sababta keentay inay ku dhagaan geedi socodka doorashada ayaa ah mid wajiyo badan, waxaase ugu weyn kuwa uu sanadkaan gubayo damaca heer Federaal.

Seddax kamid ah madaxda shanta maamul Goboleed ayaa dhammaan laga soo wariyey inay sanadkaan leeyihiin qorshooyin ay xilal sare kaga doonayaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa seddex madaxweyne iyo mid walba jihada uu u socdo, garabka uu heli karo iyo waxa uu ku doortay inuu ka tago maamul Goboleedka uu hoggaamiyo.

1- Saciid Cabdullaahi Deni

Hoggaamiyaha maamulka Puntland waxa uu bisha January ee sanadka soo socdo u dabaal dagi doonaa seddex sano guurada kasoo wareegtay madaxtinimadiisa Puntland, waxaana markaas xafiiska uga harsan laba sano.

Doorashada heer Federaal waa dhaafi doontaa xilliga uu Deni xusayo Seddex guuradiisa, wuxuuna kamid yahay Ragga xilligaan soo gaarsiiyey doorashada heer Federaal. Waxaa lagu eedeeyaa inuu dhowr xaaladood isku aadinayey.

Waa musharax madaxweyne oo heer Federaal ah, dhowr bilood ka hor si qarsoodi ah ayaa loo dhihi jiray kalmadaas, laakiin muddooyinkii lasoo dhaafay si toos ah ayuu u bilaabay ololihiisa, wuxuuna soo saartay xildhibaano.

Saciid Deni wuxuu ku doodaa haddii uusan tartamin inuu kursiga mar kale kusoo noqon doono madaxweynaha hadda talada ka dhammaatay ee Maxamed Cabdulalahi Farmaajo, taasoo ka dhigan inuu isku arko ninka qura ee Farmaajo ka hor istaagi kara kursiga.

1- Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)

Hoggaamiyaha Galmudug wuxuu abuurtay xisbiga waaya-arag, waa xisbi ku dhismay oo salkiisu yahay saaxiibtinimo soo jireen ah, tusaalaha ugu fudud waa Dhagey Geelle, Dhagdheer, Cabdi Qeybdiid iyo Saciid Siyaad Shirwac, waxayna Qoor Qoor saaxiibo ahaayeen 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Kooxda waaya-arag waxay sanadkaan si aan leex leexad laheyn u sheegeysaa inay dalka ka rabto cad weyn. Qoor Qoor wuxuu ku jiraa qiimeyn, inuu tartamo dareen ah waa laga soo wariyey, inuu qof dhiso oo uu Ra’isuwlasaare qaato damac ahna waa ku jiraa.

Haddii uu Farmaajo dhisayo isagoo Ra’isulwasaare doon ah, waxaan la ogeyn sida uu isku aqbalsiin karo saaxiibadiisa waaya-arag iyo Farmaajo oo muddooyinkii dambe aan aad isku jecleyn.

Tusaalaha ugu fudud ee damaca Qoor Qoor waa inuu xildhibaano ka dhigayo raggiisa ugu dhow dhow iyo inuu diidan yahay qof walba oo uu u arko inuu musharax kale ku dhex jiro.

Bisha February ee sanadka soo aadan waxaa u buuxsami doonta Qoor Qoor laba sano guuradiisa madaxtinimada Galmudug.

Inuu labada sano ee ka dhiman muddo xilleedkiisa ka tago dhib badan kuma heyso ayaa la leeyahay haddii uu cad weyn ka helayo Dowladda Federaalka ah.

Isaga iyo Saciid Deni waxay ka siman yihiin midna Axmed Madoobe ayuu shirka la yahay midna Lafta Gareen. Damaca soo xoogeysanaya ee ku jira Qoor Qoor wuxuu dharbaaxo ku yahay musharixiin badan oo Kasoo jeeda Galmudug

3- Cabdicasiis Laftagareen

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed inta uusan madax ka noqon maamulkaas wuxuu ahaa Xildhibaan Federaal ah iyo wasiir ka tirsan Dowladda Dhexe, wuxuu u tartamay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka markii uu Jawaari is casilay.

Waxaa mar walba ka bixin oo uu qabaa damaca ah inuu mar noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilaha ku dhow dhow iyo qaar kamid ah musharixiinta, waxaa Laftagareen u qorsheysan inuu kursigiisa noqdo xildhibaanka ugu dambeeya ee kasoo baxa Koonfur Galbeed kadibna uu qiimeeyo xaalka doorashada.

Haddii ay fursadiisa fiican tahay marka uu qiimeeyo xildhibaanada dhammaan kasoo baxay gobolada wuxuu damacsan yahay inuu kursigiisa qaato kadibna u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Laftagreen waxay dhibaato ka heysataa sida uu u maareyn doono afar guddoomiye baarlmaan hore oo xildhibaano ka rabo Koonfur Galbeed oo haddii ay soo baxaana u tartamaya kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka, waa Jaweeri, Shariif Xasan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Afartaas nin markii lasii kala qaado waxaa laftagareen u daran Shariif Xasan iyo Prof. Jawaari oo labadooda midkii soo baxa ay adag tahay in laga celiyo kursiga guddoonka Golaha Shacabka, labada kale uma badna inay ka adkaan karaan Laftagareen.

19 Bisha soo aadan ee December wuxuu Laftagreen u dabaal dagi doonaa seddex guurada xilkiisa madaxweynimo ee Koofur Galbeed.

Seddexdaas hoggaamiye damacooda ku aadan heer Federaal waa mid aad u xooggan, waxaase dhinaca kale lagu eedeynayaa in raajicinta damacooda uu dib usii dhigayo doorashada