Wareysi: DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday waxa ay isku hayaan Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey kulamadii maanta ay Ra’iisul Wasaare Rooble la yeesheen safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka iyo nabadda  Midowga Afrika iyo halka uu marayo qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka AMISOM.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay BBC ayaa sheegay in kulankii maanta iyo kulamadii ka horeeyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho looga hadlay qorshaha la doonayo in AMISOM looga saaro Soomaaliya, kaas oo aad uu uga cagajiidayo ururka Midowga Afrika.

“Kulankii maanta waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray maxaa noo qabsoomay, maxaa noo qabsoomin, maxaan isku diidanahay iyo sidee waqtiga yar ee ka haray sii joogitaanka dalka ee AMISOM aan u soo wada saarnaa go’aan la isku raacsan yahay?” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waqtiga loo qorsheeyey howlga AMISOM ee Soomaaliya ayaa ku eg bisha soo socota ee December, waxayna dowladda Soomaaliya dooneysaa in dhamaadka sanadkaan ay AMISOM dalka isaga baxdo, halka dalalka ay ka soo jeedaan ciidamada AMISOM ay ka caga jiidayaan go’aankaas, iyagoo doonaya in waqtiga loo kordhiyo, si dalka ay u sii joogaan.

Mar wasiirka la waydiiyey sababta ay mar hore uga shaqeyn waayeen in is-faham laga gaaro go’aanka bixitaanka AMISOM ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanad ka hor diyaarisay oo Qaramada Midoobey ay u gudbisay qorshe cad oo AMISOM ay waqtigii loo qorsheeyey dalka uga bixi karto, balse waxuu xusay in qorshahii dowladda Soomaaliya uu ka socon waayey Midowga Afrika.

“Qorshaha loogu tala galay kala guurka, Soomaaliya waxay ku adkeysatay in la qaato soo jeedinteeda, xittaa hadii qorshaha aan rabno la qaato ciidamada AMISOM oo ay kaabeyso QM waxaa in mudo ah noo sii socon lahaa wadaxaajoodka, laakiin waxaa nasiib darro ah in markii horaba aysan anaga qorshaheenii nala qaadan, waana halkaas meesha la iska diidan yahay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hors oo saartay go’aan ay dalka uga ceyrineyso ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo, kaas todoba cisho loo qabtay inuu dalka uga baxo, waxuuna go’aankaasi abuuray madmadow iyo kulamo is daba joog ah oo madaxda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ka yeelanayaan arrinta lagu eryey wakiilka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa horay u sheegay in Mulongo lagu helay inuu isku dayay inuu is hortaago baaritaankii dadkii ciidamada AMISOM ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in danjire Simon Mulongo uu burburiyey heshiis dowlada federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku galeen in taagero la siiyo dad uu sheegay in dhibaato loogu geystay xerada Xalane.

“Midowga Afrika waxaan u sheegnay in aan ninkaas digniino badan ka bixinay, haddana aan taagannahay meeshii ugu dambeysay, oo ah in nalaga beddelo. Waxaa sidoo kale madaxda dalkiisa Uganda gaarsiiyay arrintaas, si shakhsi nuucaas oo kale aanan ka ogolaan inuu xiriirkeenna xumeeyo,” ayuu ku yiri wasiirka Maxamed Cabdirisaaq wareysi uu horay u bixiyey.

Hoos ka daawo wareysiga