Dimishiq (Caasimada Online) – Militeriga dalka Ciraaq ayaa soo bandhigay Gabar da’yar oo lagu magacaabo Linda Wenzel oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Jarmalka.
Sargaal u hadlay Ciidamada ayaa sheegay in Gabadhaasi ay u dhixi jirtay Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Daacishta ciraaq.
Waxa uu tilmaamay in Gabadhaasi ay kusoo qabteen magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, xili ay ka kala carareen maleeshiyaadka Daacish oo xiligaa uu ku socday hujuum adag.
Gabadhan lagu magacaabo Linda Wenzel ayaa waxaa sidoo kale wehlinaayay Xaasas kale oo ajaaniib ah kuwaa oo u dhaxaayay Saraakiil iyo dagaalyahaano ka tirsan Daacish.
Linda Wenzel, ayaa dalka Ciraaq gashay Sanad ka hor iyadoo ka dhuumatay qoyskeeda, waxaana la tabiyay inay diyaarad ka raacday dalka Jarmalka kana degtay Turkiga halkaas oo ay Suuriya iyo Ciraaq uga gudubtay.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]