28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawirro: Muqdisho oo si wayn looga xusay 1-da Luulyo iyo diyaarado ka qeyb-galay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta si aan horay loo arag looga xusay munaasabadda Kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee dalka, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur, iyada oo hadda laga joogo muddo 65 sano ah, taas oo kasoo bilaabaneysa 1960-kii.

Dowladda Soomaaliya oo si wayn usoo agaasintay munaasabadda maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa kusoo bandhigtay awood ciidan iyo diyaarado casri ah, kuwaas oo ka qayb-qaatay dabaal-degga xuska Kowda Luulyo oo sanadkan si weyn uga duwan sanadihii hore.

Dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ayaa ka qayb-qaatay dabaaldegga, kuwaas oo fantasiyo waawaayn kusoo bandhigay Taalada Daljiska Daahoon ee degmada Boondheere.

Sidoo kale, gaadiidka ciidamada, fardo iyo geel ayaa munaasabadda qayb ka ahaa, kuwaas oo socod ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gudaha caasimadda.

Waxaa kale oo ay Dowladda Soomaaliya maanta soo bandhigtay diyaarado casri ah oo ay leeyihiin ciidamad cirka Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa munaasabadda, iyaga oo dul heehaabayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Diyaaaradaha ayaa sidoo kale hawada sare kasoo daadiyay waraaqado lagu wacyigelinayo bulshada, kuwaas oo muujinayo in lagu jiro todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxda dalka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobjoog ahaa dabaal-degga, isaga oo sheedda sare kala socday bandhigga wayn ee ay maanta sameeyeen ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay ka qaybgalka munaasabadda.

Inta ay socotay munaasabadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale u Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana ku weheliyey Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan oo salaan uga qaadayey cutubyo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Ujeedka ayaa ahaa maamuus iyo xasuus loo sameynayo halyeeyadii nafta u huray gobanimada iyo midnimada dadkeenna ee doorka wayn ka soo qaatay xorriyadda dalka.

Xuska sanadkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay isbeddal wayn ku sameysay qaab dhismeedka ciidamada iyo qalabkooda, waxaana markii ugu horreysay burburka kadib diyaarado helay ciidanka cirka ee haatan loo soo tababaray Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News