28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Musharax cusub oo ku biiray loolanka madaxweyne ee G/DHEXE?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Musharax cusub ayaa kusoo biiray musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya ee la filayo in dhowaan la aas-aaso.

Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Faanoole oo ka mid ah Soomaalida Mareykanka, ayaa daaha ka rogay inuu doonayo inuu xilkaas u tartamo si uu wax ugu qabto bulshada Gal-Gaduud iyo Mudug.

Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Faanoole waa aqoonyahan da’yar, oo sida uu sheegay ay ka go’an tahay inuu wax u qabto dadkiisa dhibaateysan iyo dalkiisa.

Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray Muqdisho gaar ahaan Xaafada Wardhiigley, ka hor inta uusan iman dalkan Mareykanka.

Waxa uu haystaa taageerda qurbo joogta gobollada dhexe gaar ahaan, kuwa Mareykanka degan iyo bahda cayaaraha.

Dhowaan ayaa waxaa magaalada Minneapolis lagu qabtay xaflad lagu taageeray musharaxnimada Cabdulqaadir Faanoole

Hoos ka daawo sawirada

faanoole (1)faanoole (2)faanoole (3)faanoole (4)faanoole (5)faanoole (6)faanoole (7)

 

- Advertisement -

Read more

Local News