Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey ee Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa guulo hordhac ah laga soo sheegayaa shirkii maanta ka dhacay Garoonka Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay Mas’uuliyiin farabadan oo uu ugu horeeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo sheegay in DFS ay mar waliba ku faraxsan tahay wada shaqeyn iyo wada noolaanshiyo dhexmarta maamulada dariska ah.

Ra’isal wasaare Sharma’arke iyo Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa Madaxweynayaasha labada Maamul Puntland iyo Maamulka Galmudug ugu baaqay inay u hogaansamaan Hirgalinta Qodobadii lagu heshiiyay.

Waxa ay ugu baaqeen in lagu wada noolaado Nabad iyo Xasilooni waarta islamarkaana ay labada maamul ka tashtaan sida deegaanka ka dhexeeya loogu soo dabbaalilahaa Nabadgalyo iyo kala danbeyn.

Kulanka maanta ayaa waxaa lagu guuleystay in ciidamadii is horfadhiyay la kala qaado laguna celiyo xeryahoodii.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa xiligaani ah kuwo faaruq ah mana jiraan Ciidamo labada dhinac taabacsa oo ku sugan.

Waxaa wali qabyo ah Shirka ka socda Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, waxaana lagu wadaa in maalinta bari ah lasoo gabagabeeyo inta ka harsan wada hadalada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
k1

k3

k5

k6

k7

k8

k9

k10

k11

k12

k13

k14

k15