Wakiilka cisub ee SOMALIA oo xilka la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay ergayga Midowga Afrika u fadhiya Somalia Ambassador Maman Sambo Sidikou, ayaa waxaa iminka magaalada Muqdisho soo gaaray Danjiraha cusub ee bedelay Maman.

Danjiraha cusub oo lagu magacaabo Francisco Caetano Jose Madeira ayaa iminka si rasmi ula wareegay xilkaasi, isaga oo loo gacan galiyay dhamaan feylalkii uu kusii ambaqaadi lahaa shaqada Danjirnimo.

Francisco Caetano Jose Madeira oo ah Safiirka bedelay Maman Sidikou, ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mozambique.

Francisco, ayaa kasoo shaqeeyay dalal dhowr ah oo uu wakiil uga ahaan jiray Midowga Afrika waxaana kamid ah dalalkaasi Aljeeriya iyo isla wadanka uu isaga kasoo jeedo ee Mozambique.

Francisco oo kalimad aad u gaaban ka jeediyay munaasabada uu xilka kula wareegay ayaa waxa uu yiri ”Dhab ahaantii waxaa dusha leysaaray mas’uuliyad aad u weyn. waayo waxaan xilkaani qabanayaa xili Somalia ay ku jirto xaalad kala guur ah”

Francisco Caetano Jose Madeira ayaa inta ay munaadabada soctay xilkaasi loo dhaariyay waxa uuna xiligaani yahay Ergayga Midowga Afrika u fadhiya Somalia waxa uuna hogaamin doonaa hawlgalka AMISOM.

Dhanka kale, Francisco Caetano Jose Madeira ayaa waxaa xilkaani loo soo magacaabay Taariikhdu marka ay aheyd 7 bishii Oktoober.

Caetano1

Caetano2

Caetano3

Caetano4

Caetano5

Caetano6

Caetano7

Caetano8

Caetano9

Caetano10

Caetano11

Caetano12

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com