Xog: Amisom oo ka shireysa inay tagto Galkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Gaalkacyo dagaalada ka dhacay Siyaasiyiin badan ka digeen fikrada dagaalka ka dambeysa ayaa haddana wararka Caasimada Online heleyso waxay sheegayaan in shir looga hadlayay sida AMISOM ku tagi karto Gaalkacyo uu ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Siyaasiyiin kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa horey u shaaciyay in dagaalka Gaalkacyo ka dambeeyaan dalalka deriska la ah Soomaaliya midkooda lana doonayo in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo magaalada Gaalkacyo si dhaqaalaha iyo goobaha AMISOM tageyso loo balaariyo.

Wararka ayaa sheegaya in shir gaar ah oo arimahaasi looga hadlay uu ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayna ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM kaasi oo lagu gorfeynayay sida ciidamo AMISOM ka socdo loo geyn karo magaalada Gaalkacyo.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysan in kulanka uu ka dhacay  Hotel SAROVE oo ku yaalo Bartaha Magaalada Nairobi waxaa diirada lagu saaray halka ladajin doono Ciidamo AMISOM ah hadii lageeyo Magaalada Gaalkacyo oo hada noqotay furin Dagaalka.

Xogta ayaa tilmaameysa in xitaa shirka lagu gorfeeyay in ciidamo gaaraya 2000 ku dhawaad la geeyo magaalada Gaalkacyo, balse waxaa la ogeyn wadanka ay ka tagi doonaan, laakiin wadanka Ethiopia ayaa arimahaasi xusul duub ugu jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com