Xog: Ciidamada DF oo la doonayo in Gaalkacyo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Diiriye Cali Abtidoon oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Gobolada Dhexe ee dalka ayaa ka hadlay Dagaalada soo laalaabtay ee u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Nabadoonka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in xiligaani oo rajado laga qabay dib usoo hagaagida Somalia dib loo abuuro xasarad iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in ujeedka dagaalka uusan aheyn in labada maamul ay is dagaalan balse danta laga leeyahay ay tahay in la xasuuqo lana baabi’iyo Bulshada Soomaaliyeed hayeeshee waxa uu arrinkaasi ku sheegay mid aan socon doonin.

Nabadoon Diiriye Cali Abtidoon oo ka danqaday dhibaatada ay shacabka kala kulmayaan dagaalada soo laalaabtay ayaa sheegay in taasi looga badbaadi karo in labada maamul la kala dhex dhigo Ciidamo ka madax-banaan oo ay la imaado DFS.

Wax uu nabadoonka ku taliyay in DFS ay iminka kusoo baraarogto inay Ciidamo geyso goobaha ay isku heystaan labada maamul waxa uuna carab dhabay in taasi ay tahay kaliya tan looga badbaadi karo arrintaani umuuqaalka eg dib usoo celinta dagaaladii sokeeye.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayuu ugu baaqay inay daacad ka noqdaan xalinta Colaada taagan, waxa uuna tilmaamay in qodobo la xariiqo ay ka fogtahay qadiyada dagaalka.

Dhanka kale, Galmudug iyo Puntland ayuu kaga digay in Siyaasadaha u qarsoon ay u bedelaan qaab isweydaarsiga rasaas lagu baabi’inaayo shacabka ku nool goobaha leysku heysto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com