Xildhibaan xal cusub u keenay arrinta Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mas’uuliyiinta ka kala tirsan labada Gole ee DFS ay siyaabo kala duwan baaqyo uga soo saarayaan Dagaalada soo noqnoqday ee u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf.

Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah Mudanayaasha BFS ayaa sheegay in dagaal waliba oo dhaca dadka ku dhamaada ay yihiin dad shacab ah waxa uuna ku baaqay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay isfahan hoose ku dhameeyaan Colaadaha soo noqnoqday islamarkaana ay u diir naxaan dadka shacabka ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxtooyada Somalia iyo Labada Gole ee Dowlada looga baahan yahay in qaraar ay ka qaatan Colaadaha ay ku dhamaanayaan shacabka dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku dhex jiray dagaalada iyo qaska ka taagan Somalia.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa soo jeediyay in loo midoobo Colaadahaasi suuragalka ah in mar kale ay soo cusboonaadan waxa uuna ku taliyay in labada Hogaamiye iyo Ciidamada uu dagaalka ka dhexeeyo laga qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Waxa uu sheegay in Galmudug iyo Puntland haddii ay xaqiiqdu tagto aysan ka awood badneyn DFS, sidaa awgeedna loo baahan yahay in labadaasi maamul lagula xisaabtamo sababta ay u burburiyeen Heshiiskii la kala saxiixday.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro ku sheegay in Shaqsiyaad ka tirsan labadaasi maamul ay saxaafada ka sheegaan warar sheegaya in DFS aysan dhex dhexaad ka aheyn Xiisada ka aloosan Magaalada Gaalkacyo.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili DFS lagu eedeeyay inay ka gaabineyso xal u helida xiisadaha ka aloosan Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com