Xog: Ethiopia oo ciidamo geeneysa Gaalkacyo.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia waxa socda dadaal ay beesha caalamka ku dooneyso in ciidamo ka socda AMISOM oo ilaa 400 askari ah loo diro magaalada Gaalkacyo si loo kala dhex dhigo ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee dagaaladu u dhaxeeyaan.

Shirar kala duwan ayaa ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo ku saabsan sidii xal waara loogu heli lahaa xiisada colaadeed ee magaalada Gaalkacyo, waxayna arrinta ah in ciidamo AMISOM ah loo diro Gaalkacyo ay sii xoogeysatay markii ay dagaalada kasoo cusboonaadeen shalay magaaladaasi kadib heshiiskii la saxiixay.

Shirkii dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka joogo Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qaaday arrintan iyadoo madaxweynuhu sheegay in arrinta ay gacanta ku hayaan madaxda dowladda oo xaaladda lasoo afjari doono, welina aanay jirin baahi loo qabo in ciidamo AMISOM ah loo diro.

Shir kale oo saraakiisha AMISOM ku yeesheen Nairobi ayay wararku sheegayaan in dowladda Itoobiya ay ku yaboohday inay diyaar la tahay ciidamo la geeyo magaalada Gaalkacyo ayna halkaasi ku gaari karto muddo 24 saacadood ah, taasoo ay dersayaan Midowga Afrika oo dowladda Soomaaliya, kala hadlay kadib markii arrintaasi ay soo jeedisay beesha caalamka.

Dad badan ayaa qaba ujeedada loo huriyay dagaalka magaalada Gaalkacyo inay markii horeba ahayd in ciidamo AMISOM ah la geeyo degaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com