Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka uu taliyaha booliska gurigiisa ugu tegay Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan taliye ku-xigeenka iyo afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay qorshaha sugidda amniga musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Waxaa sidoo kale kulankasi looga hadlay fulinta qorshayaashii Amniga ee dhawaan ay gaareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta ee Muqdisho looga saaray ciidankii Badbaado Qaran.

Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa ayaa sidoo kale ka cudurdaartay dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo in aysan ka jawaabin eedeymo uga yimid Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamada booliska, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Haramcad, ayaa horey ugu lug yeeshay weeraro ka dhan ah musharaxiinta mucaaradka, oo uu ku jiro Xasan Sheekh, iyo dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Inkasta oo ciidanka Haramcad ay hoos tagaan booliska, haddana waxaa si toos ah looga amraa madaxtooyada, oo ay fuliyaan amarrada kasoo baxa, ayada oo badankood loo adeegsado ujeedooyin siyaasadeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa afartii bishan soo saaray amar ku socda ciidanka oo muuqda in lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlaha ay qaban karaan.

Taliyaha ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah xaqiijinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.