Waa kuma ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika usoo magacaabay Soomaaliya?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa u magacaabay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweyne Mahama wuxuu kala shaqeyn doonaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan tanaasul la wada aqbali karo oo ku wajahan xal loo dhan yahay oo ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya, waqtiga ugu gaaban, uguna macquulsan.”

“Isaga oo fulinaya waajibaadkiisa, wakiilka sare waxaa taageeri doona Amisom, si loo xaqiijiyo in dadaallada dhex-dhexaadinta iyo howlgalka taageeridda nabadda ay u wada shaqeeyaan si habsami leh.”

Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay u wada-xaajoodaan si daacad ah, ayna danta iyo wanaaga shacabka Soomaaliyeed ka hormariyaan wax kasta oo kale, ayaga oo raadinaya heshiis loo dhan yahay oo laga gaaro xasaradaha doorashada.

“Tani waa inay dhalisaa dowlad si dimoqraadi ah loo soo doorto oo leh sharciyad iyo wajibaad dastuuri ah, si loo xalliyo inta ka harsan arrimaha siyaasadda iyo dastuuriga ah ee halista ku ah xasilloonida dalka iyo gobolka oo idil,” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

John Dramani Mahama, oo dhashay 29-kii November 1958-kii, ayaa ahaa madaxweynaha Ghana intii u dhaxeysay July 24, 2012 illaa January 7, 2017. Wuxuu kahor soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Ghana, intii u dhaxeysay January 2009 illaa July 2012.

Magacaabista ergeyga ayaa timid kadib markii uu madaxweyne Farmaajo ka codsaday madaxweynaha dalka DR Congo iyo guddoomiyaha Midowga Afrika Félix Tshisekedi in ururka uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida.

Magacaabista ergeyga ayaa waxaa horey usoo dhoweeyey wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan. Hase yeeshee, Midowga Musharaxiinta ayaan wax aragti ah ka dhiiban ergeyga markii la shaaciyey qorshaha lagu soo magacaabayo. 

Magacaabista ayaa imaneysa ayada oo ra’iisul wasaare Rooble uu shir dhacaya 20-ka May isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, mana cadda kaalinta uu shirkaas ku yeelan doono ergeyga cusub.