Turkey oo war kasoo saartay go’aanka ay Soomaaliya ku soo celisay xiriirka Kenya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa Jimcihii soo dhoweysay dib u billaabidda xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Soomaaliya iyo Kenya kadib bilo uu go’aana

“Waxaan soo dhoweyneynaa arrimaha soo cusboonaaday ee la xiriirka dib u billaabidda xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan uga mahad-celineyaa dalka Qatar dadaalladooda ku aadan hannaankan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkey. 

Wasaaradda ayaa sheegtay in Turkey ay sii wadi doonto inay taageerto dadaallada lagu xalinayi khilaafyada gobolka Geeska Afrika, ayada oo loo marayo wada-hadallo iyo is-afgarad,

Dowladda federaalka ayaa Khamiistii shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka Kenya oo go’aanaa ku dhowaad shan bil kadib markii ay labada dal dhex-dhexaadisay Qatar.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ku dhowaaqay go’aanka.