Jaamacada Carabta oo war kasoo saartay soo laabashada xiriirka Somalia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay xiriirka diblomaansiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya iyo in dib loo soo celiyo saaxiibtinimadii , Is-ixtiraadimadda madax banaanida labada dhinac .

Afhayeen u hadlay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu amaanay dadaalada uu ururka ku bixiya soo celinta xiriirka labada dal, gaar ahaan xiriirkii dowladda Qatar ee ugu dambeyay .

Ugu dambeyntii  Jaamacadda Carabta ayaa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqday in ay ka wada shaqeeyaan soo celinta xiriir dhameystiran oo ilaalinaya Maslaxadda labada dal iyo Amniga Gobalka .

Dhankiisa, Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta go’aanka xigmadda iyo geesinimada leh ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo iyo xasilooni, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya, oo go’aan tan bishii December ee sanadkii 2020, xilligaas oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyey ugu jartay Kenya.

“Laba dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadii’ida is ixtiraamka iyo madax-banaanida dhuleed, faro-galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Al-Cadaala.