DF oo war kasoo saartay kiiska badda kadib markii ay soo celisay xiriirka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax shaqo ah isku laheyn kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya oo ay shalay dib usoo celisay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii saacadihii ugu dambeeyey ay soo baxeen warar lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar oo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.

Wararkaas ayaa intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo uu tegayo Doha halkaasi oo uu kula kulmi doono Uhuru Kenyatta, si heshiiska loogu saxiixo.

Hase yeeshee ra’iisul wasaare ku-xigeenka xilka sii-haya ee Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo sidoo kale hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto.

“Muranka badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay twitter.

Dowladda federaalka ayaa shalay shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka Kenya oo go’aanaa ku dhowaad shan bil kadib markii ay labada dal dhex-dhexaadisay Qatar.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ku dhowaaqay go’aanka.