QM oo boggaadisay doorka Qatar ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’ay dabayaaqada sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Antonio Guterres ayaa boggaadiyey dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee ay wado Qatar, isaga oo tilmaamay inay tallaabadan xoojineyso diblumaasiyadda & horumarka siyaasadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey inay muhiim tahay in la dhameystiro heshiiskan, si looga mira-dhaliyo is afgaradka billowga ah.

“Waxa aan soo dhaweynayaa kaalinta dowladda Qadar ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya, waa tallaab habboon oo xoojineysa diblumaasiyadda & horumarka siyaasadda, waxa dhiman waa in la dhammeystiraa, si looga gungaaro is afgaradka bilawga ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa u dhexeeyey khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska badda ee horyaalla maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhowaaqday inay dib usoo celisay xiriirka labada dowladood, kaas oo horey u go’ay dabayaaqada sanadkii hore 2020-kii, kadib markii ay dowladdu ku eedeysay Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya.