Maxkamadda ciidamada oo markale la horgeeyey rag loo heysto dilkii Dhagajuun

Muqdisho (Caasimada Online) -Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta markale dib u billowday dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin C/raxmaan Dhagajuun.

Maxkamadda ayaa horey kiiskan dhagesigiisa u furtay 24-kii bishii hore, iyada oo dhageysiga dacwadda maaanta ay noqoneyso markii labaad ee loo fariisanayo, waxaana goobjoog ah saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka oo ay saraakiil Booliis ah ku jiraan, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa maxkamadda horkeenay cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa la filayaa inay go’aan kasoo saarto kiiskan oo horey guddi gaar ah loogu xil-saaray, kaas oo baaritaan dheeraad ah kusoo sameeyey dhacdadaasi, wuxuuna guddigu shaaciyey in si bareer ah loo toogtay marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xilli habeen ah 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee  magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay wadanka Turkiga oo uu u aaday arrimo caafimaad.