Sawirro: Rooble oo gaaray Jeddah + Ujeedka qarsoon ee safarkiisa Sacuudi Carabiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Jeddah, isagoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka, si uu u soo Cumreysto.

Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Abdulaziz International Airport kusoo dhoweeyey Amiir Khaled Al-Faisal oo ah la taliyaha Boqorka Sacuudiga, gudoomiyaha gobolka Makkah Al-Mukaramah,  iyo duqa magaalada Jeddah Saleh bin Ali Al-Turki, iyo xubno kale.

Rooble ayaa Sacuudi Carabiya ku tegay diyaarad qaas ah oo ay usoo dirtay boqortooyada Sacuudiga. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ujeedka safarka uu yahay cumro maalmo kooban ah oo uu ku tagi doono Xaramka.

Xukuumadda ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha uu si deg deg ah ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si uu u dardar geliyo howlaha hor yaalla ee ku aadan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in sidoo kale safarka Ra’iisul wasaaraha ay qeyb ka tahay inuu kulamo la qaato madax ka tirsan boqortooyada Sacuudiga, iyagoo ka wada hadli doono xiriirka labada dal iyo sidii ay Sacuudiga u garab istaagi laheyd arrimaha doorashooyinka dalka.

Dolwadda ayaa sidoo kale dhaqaale ka codsan doonta Sacuudiga, oo horey u jaray taageeradii uu siin jiray. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo inta badan dalalkii Reer Galbeedka ay sidoo kale dhaqaalaha ka jareen dowladda kadib markii ay ku fashilantay inay doorasho qabato.

Xiriirka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ahaa mid mugdi ku jiro afartii sano oo ay Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ay ka talineysay Soomaaliya, wuxuuna khilaafka soo bilowday markii Soomaaliya ay diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar kadib markii ay go’doon geliyeen Sacuudiga iyo xulafada uu hoggaaminayo.