Daawo: Jeneral Gacma-dulle oo digniin xooggan diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cali Cosoble Caraay (Gacma-dulle) oo kamid ahaa hogaamiyeyaashii ciidamada Bad-Baado Qaran ayaa maanta la hadlay ciidamadii ka gadooday muddo kororsigii sharci darrada ahaa oo markii ay ka kacaan laga laabtay.

Jeneraal Gacma-dulle ayaa ugu horeyntii faray inay ciidamada bad-baado qaran dib ugu laabtaan faruumihii dagaal, islamarkaana ay fuliyaan heshiiskii dhawaan laga gaaray xiisadii keentay inay ciidamadu soo galeen magaalada Muqdisho.

Waxa uu ka digay in markale la isku dayo in sifo sharci darro ah dalka lagu maamulo, isagoona wacad ku maray in mardambe aysan aqbaleyn in dalkaan lagu hogaamiyo keli-talisnimo iyo xukun jaceyl, sida uu sheegay.

“Dad ayaa lahaa Ciidankan waa Maleeshiyaad tiro yar oo magaalada soo galay waxaan caddeynayaa inay yihiin ciidankii Xoogga dalka kuwii ugu xoogga badnaa oo diiddan xukun la isku dhajiyo iyo in dalkaan xoog lagu qabsado,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xuquuqdii ay lahaayaan ciidamada bad-baado qaran ee la duudsiiyay intii xiisadu taagneyd ay dib u haleyaan, ayna tahay inay gutaan waajibaadka ciidamo ee ay hore ugu dhaarteen.

“Waxaad ogtihiin in ra’iisal wasaaraha iyo guddiga bad-baado qaran ay is arkeen oo laga wada-hadlay, waxaana ciidanka horteeda ka xaqiijinayaa in aan ka wada-hadalnay in xuquuqdii iyo darajooyinkii lagu dhibaateyay la xalin doona labada toddobaad ee soo socota.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ciidamada kula dar-daarmay inay gutaan waajibaadkii ay u dhaarteen, ayaga oo ilaalinaya dastuurka dalka iyo qaranimada Soomaaliyeed, ayada oo laga fogaanayo in cid gaar ah loo adeego.