Daawo: Mahad Salaad oo shaaciyey in la billaabay qorshe lagu fashilinayo heshiiska MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee ciidamada Badbaado Qaran looga saaray, kaasi oo uu sheegay inuu wajahayo caqabado hor leh.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii sheegay inay garab taagan yihiin ra’iisal wasaare Rooble, islamarkaana ay fuliyeen heshiiskii ay dhawaan wada gaareen qeybtoodii kaga aadaneyd mucaaridka, loona baahan yahay inuu mas’uuliyadeeda uga soo baxo sidii loogu igmaday.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in cid gaar ah oo uusan carabaabin ay dibin-daabyo u dhigayaan heshiiskii Rooble iyo Mucaaridka, si cagaha loo qabto dhaq-dhaqaaqyada Rooble, loona saaro eedeynta waxkasta oo halaaba, sida uu hadalka u dhigay.

“Xukuumadda oo ra’iisal wasaaraha hogaaminayana waxaan halkaan fariin ugu direyna intii anaga nagalama rabay wan sameynay oo waan kusoo garab istaagnay, waan ognahay in dibin-daabyo badan loo dhigayo heshiiska, in la fashiliyo in la rabo, oo la is-leeyahay qolada ayaga ayey wax ku wareegeen qoorta ha la isku geliyo,” ayuu yiri.

“Anagu waan ka bad-baadinay, adigana waxaan rajeynaynaa kuwa agtada meereysanaya ee raba inay fidnadaa ka shaqeeyen inaad adigana kasoo bara-moosi doonti ayaa rajeynaynaa.”

Mahad ayaa ka dalbaday xukuumadda inay sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan heshiiskii ay la galeen, maadama ay dhankooda bilaabeen fulinta qodobadii lagu hesiiyay, islamarkaana ay ciidamadii ka saareen magaalada, sida uu sheegay.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa dhawaan gaaray heshiis xal looga gaarayo shaqaaqadii Muqdisho, taasi oo amniga guud ee caasimada loogu wareejiyay xukuumadda, si ay u dar-dar geliso doorashada, meeshana looga saaro xiisadii ka dhalatay muddo kordhinta.

Hoos ka daawo Mahad Salaad