Sawirro: Muxuu Antonnio Guterres maanta kusoo arkay Magaalada Baydhabo?

Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo Xoghayaha guud ee QM Antonnio Guterres oo ay weheliyaan mas’uuliyiin uu kamid ahaa Ergayga QM u qaabilsan Somalia Micheal Keating.

Xoghayaha guud ee QM Antonnio Guterres, ayaa soo dhaweyn kadib booqday Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo oo ay ku jiraan shacab farabadan oo halkaasi loo jiifiyay xanuuno ka dhashay Abaarta.

Antonnio Guterres iyo Micheal Keating oo uu wehliyo Madaxa arimaha gargaarka iyo bini’aadamnimada de Clercq ayaa hal hal u booqday bukaanada waxa ayna su’aaleen xanuunada haya.

Antonnio Guterres, oo booqashada Isbitaalka kadib la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in QM ay gargaar degdeg ah la gaari doonto dadka ay saameeyen Abaaraha waxa uuna tilmaamay in bukaanada qaarkood ay ka muuqato nafaqo dari.

Waxa uu sheegay in Bukaanada uu soo arkay ay u badan yihiin Carruur waxa uuna ku baaqay in lalaba jibaaro gargaarka Abaaraha Somalia.

Micheal Keating, ayaa sidoo kale sheegay in QM ay il gaara ku eegi doonto dadka uu saameeyay Abaaraha iyo Carruurta la jiifta shuban biyoodka ee ku dhaqan Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo.