Sawirro: Muxuu Kheyre kusoo arkay xarunta dhexe ee maamulka Hawada ee Somalia?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Raโ€™iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee maamulka Hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasaiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee Maamulka Hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.

Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Raโ€™iisul Wasaaraha sida howsha ay u wadaan howl-wadeennada iyo maamulka xarunta Hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii Maamulka Hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

โ€”DHAMMAADโ€”

- Advertisement -

Read more

Local News