Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaanno ka tirsan Sh/hoose iyo qasaare nafeed oo ka dhashay

Mubaarak-(Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi iyo deegaanno kale oo ka agdhow.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Hal qof uu ku dhintey fatahaaddan kadib markii ay daadadku la tageen iyadoo sidoo kale baabi,iyay dhul beereed islamarkaana uu jiro barakac ay sameynayaan qaar ka mid ah shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Mubaarak, si aanay u saameyn noloshooda fatahaaddan.

Wabiga Shabelle ayaa horey fatahaad uga geystay deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana uu saameeyey Kumanaan qoys kuwaas oo anan ilaa hadda wax lataaban karo oo gar gaar ah aan lagaarsiin .

fatahaad Wabiyada ayaa marar badan saamayn kuyeeshay nolosha kumanaan qof oo soomaali ah mana jirto cid is ku howsha in ay ka hortagaan fatahaada ay sameeyaan wabiyada shabeele iyo juba oo mara dhulka soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com