Sawirro: Muxuu ku saabsanaa kulanka Wasiir Awad & Eng. Hassan Bin Hamza ee wakhtiga qaatay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,  Ahmed Isse Awad ayaa kulan khaas ah Xafiiskiisa kula qaatay siihayaha Safaarada Qatar ee Somalia Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed.

Wasiir Awad iyo Eng. Hassan Bin Hamza, ayaa si qoto dheer uga wadahadlay Xiriirka labada dal, Shaqooyinka Safaarada iyo sida lagu garabsiin lahaa dowlada Somalia oo aan iminka laheyn awoodo dhaqaale oo ku filan.

Wasiir Awad, ayaa siihayaha sharaxaad gaara kasiiyay qorshaha shaqo ee Wasaaradiisa, waxa uuna ku celceliyay in Somalia ay Qadar ka dooneyso buuxinta garabka ka maqan, iyadoo la eegayo dhibaatooyinka taagan.

Wasiir Awad, waxa uu Eng. Hassan Bin Hamza u sheegay in mudada ay jirto dowlada ay qaaday talaabooyin ku dayasho mudan, waxa uuna suuragalnimada hirgalinta talaabooyinka harsan ka daladay inay kaalin ka qaadato Qadar oo uu sheegay inay tahay dowlad ay Siyaasad ahaan isku dhow yihiin.

Wasiirka iyo Siihayaha Safaarada ayaa isla soo hadalqaaday xaqiijinta dadaalka lagu horumarinaayo Iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaallaha iyo maalgashiga, iyadoo loogu saldhigayo isgarabsiga walaalnimo, laguna adkeynayo xiriirka xidideystay ee labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Sidoo kale, Eng. Hassan Bin Hamza, ayaa Wasiir Cawad u ballanqaaday in dowlada Qadar ay mar waliba isgarabtaagi doonto Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka qeybqaadanayaan iskaashiga dhan dhaqaale iyo mid horumarineedba.

Docda kale, dowlada Somalia iyo Qadar ayaa Siyaasad ahaan isaga dhow  sidii hore, wixii ka danbeeyay talaabada ay xulafada Sacuudiga xiriirka ugu jareen Qadar oo lagu eedeeyay dowlad u taagan maalgalinta Argagixisada.

 

Natiijada sawirka Eng. Hassan Bin Hamza

Natiijada sawirka Eng. Hassan Bin Hamza

Natiijada sawirka Eng. Hassan Bin Hamza