Tarsan oo ka Jawaabay wararka sheegaya in Caburin lagu hayo Siyaasiyiinta Mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online)-La-taliyaha dhinaca siyaasada xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamuud Axmed Nuur ‘’Tarsan’’, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in caburin lagu hayo Siyaasiyiinta ku dhaqan dalka, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa aanu u muuqan caburin lagu hayo Siyaasiyiinta, waxa uuna tilmaamay in la doonaayo keliya ilaalinta xadka hadalka.

Waxa uu sheegay Tarsan in Siyaasiga ka tabankara caburinta keliya uu yahay mid ka weecda xadka loogu talo galay xoriyada hadalka, waxa uuna tilmaamay in la doonaayo in hadalka lagu saleeyo waaqica jira.

Tarsan oo u waramaayay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa carab dhabay in xiliga lagu jiro Siyaasiyiinta ku nool magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo heysta xoriyad hadal, markii laga soo tago dowladihii hore.

‘’Anigu waxaan qabaa inaanu jirin caburin lagu hayo Siyaasiyiinta, midka dareemikara caburinta waa kan doonaayo inuu ku hadlo waxa uu rabo, dabcan taa macquul manoqoneyso’’

‘’Siyaasigu maaha inuu sheego wax ummadda iska horkeenaya, oo ka dhalan kara burbur iyo xasilooni daro siyaasadeed, haddii uu hadalkiisa xadka ka baxo waa laga hortagayaa inta uusan dhibaato abuurin hadalkiisa taa lama orankaro caburin’’

Tarsan ayaa sheegay in xoriyadu ay tahay in qofka la xadido hadalkiisa, waxa uuna cadeeyay in xitaa dalalka qaar aysan ka jirin xoriyad lamid ah tan ay heystaan Siyaasiyiinta.

Haddalka Tarsan ayaa imaanaya xili Siyaasiyiinta mucaaradka ay dowlada Somalia ku eedeeyan inay ku heyso dhibaato iyo caburin dhanka hadalka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com