Sanbaloolshe oo kashifay kaalinta ay DFS ka qaadatay guul daradii ka raacday doorashada Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online)-Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Somalia Cabdullaahi Maxamed Cali ‘’Sanabloolshe’’ ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guul daradii ka raacday doorashadii dhowaan ka dhacay magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeellda Dhexe ee looga guulaystay kursigiisii hore ee baarlamaanka.

Sanbloolshe, ayaa sheegay inuu aad u dhaliilsan yahay doorashada looga guuleystay, waxa uuna tilmaamay in lagu sameeyay faragalin dadban iyo mid toosa.

Sanbloolshe, oo u waramaayay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in guul daradiisa ay tahay mid ka danbeysay isdabamarin iyo xadgudubyo ka dhex dhacay Hoolka doorashada oo indhaha laga qabsaday.

Sanbloolshe waxa uu dowlada ku eedeeyey inay faragelin ku samaysay doorashadaasi isla markaana ay dhaqaale ku taageertay musharraxa ku guulaystay doorashadaasi Nuur Iidow Bayle.

Sanbloolshe, waxa uu sheegay in eediisa ay tahay mid ku saleysan Guddiga Doorashooyinka oo hab aan wanaagsaneyn howsha u waday, Faragelin toos ah oo Dowladda Doorashada ay ku heysay iyo Ergada oo lacag garka loo geliyay, si ay ugu codeeyaan qofka ay Dowladda wadato.

Sanbloolshe, waxa uu cod dheer ku sheegay

inuusan ku faraxsaneyn qaabka ay u dhacday doorashada, balse uu isaga qancay, wuxuuna tilmaamay in dowladda Federaalka ay maalgelineysay Nuur Iidow Beyle oo xildhibaanimada kaga guuleystay isaga.

Waxa uu tilmaamay Sanbloolshe in isaga iyo Madaxda dalka ay ahaayen dad isku dhow oo saaxiibo ah, balse sheekada ay xumeeyen dad uu sheegay in ay u dhaxeeyan.

Waxa uu intaa raaciyay hadii uu ku soo bixi lahaa kursiga shaqsi ahaantiisa inuusan noqon laheyn sida laga filyey ee ah inuu Mucaarad noqdo, balse kursigan uu shacabka ugu adeegi lahaa.

Sidoo kale, Sanbloolshe ayaa yiri ‘’waxaan la tartamay dowlad ee lama aan tartamin shaqsi caadi ah, waxaan hubaa in danta laga lahaa faragalin ay aheyd in leyga guuleysto’’

Haddalka Sanbaloolshe ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia la sheegay inay wakhti iyo dhaqaale badan ku bixisay Nuur Iidow Beyle oo xildhibaanimada kaga guuleystay Sanbaloolshe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com