Sawirro: Mukhtaar Roobow oo si cajiiba loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ka dagay wadaadka isa soo dhiibay Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur) iyo xubno dhowr ah oo wehlinaayay.

Roobow iyo xubnaha wehlinaayay ayaa waxaa Gaaroonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Roobow oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa la filayaa in maanta uu magaalada Baydhabo kula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo wafdi cadaan ah oo la sheegay in halkaa ay  ku sugan yihiin.

Waxaa aad loo adkeeyay amniga guud ee magaalada Baydhabo gaar ahaan kan Garoonka Diyaaradaha iyo goobaha uu gaari doono Roobow.