26.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Sawirro: Muxuu Xamza ku soo arkay xarunta guddiga…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –   Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa galabta kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), oo ay haatan ka socoto bixinta kaararka cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

Xamza ayaa soo indha-indheeyay sida ay wax uga socdaan xarunta guddiga, maadaama si rasmi ah maanta loo guda galay bixinta kaararka doorashooyinka oo la siinayo dadkii horay isku diiwaangeliyay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa diray farriin culus, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda oo ay codeeyaan, isla markana ay muujiyaan awooddooda muddada dheer ka maqnayd.

“Waxaan ugu baaqayaa, ku adkeynayaa, kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee u suurtagashay nasiibkana u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda, si ay u codeeyaan, oo si dhab ah u muujiyaan awooddooda muwaadin ee dastuuriga ah ee muddada dheer laga xayuubiyey.”ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhi.

Sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo hey’adaha amniga, maadaama ay qabteen shaqo adag, isaga oo xusay in ay howshan ka soo bilaabeen meel fog ayna muujiyeen hufnaan iyo karti.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo qiimo gaar ah u leh shacabka ku nool Gobolka Banaadir, maadaama ay si rasmi ah u bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta ee dadka horey isu diiwaan-geliyay, si ay uga qeybgalaan doorashada ka dhaceysa caasimadda.” ayuu sii raaciyey Xamza

Ugu dambayn, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar ula tahay wax kasta oo u fududeynaya shaqada looga baahan yahay, si loo xaqiijiyo hirgelinta doorashada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

- Advertisement -

Read more

Local News