Sawirro: Muxuu yahay shirka ay wasiir Khadiija uga qeyb-galeyso dalka Talyaaniga?

Cernobbio (Caasimada Online) – Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Khadiija Maxamed Almakhzoumi ayaa ka qeyb galeysa Madasha 48-aad ee “Intelligence on the World, Europe, and Italy” oo lagu qabanayo dalka Talyaaniga.

Madasha oo lagu qabanayo Villa d’Este (Cernobbio, Lake Como, Italy) ayaa soconaysa 2-da illaa 4-ta September.

Kulankan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee caalamka ayaa isku keena koox aad loo soo xulay oo ka kooban siyaasiyiin hoggaamiyeyaasha ganacsiga, dad horey ugu guuleystay abaalmarinta Nobel-ka, aqoonyahanno, iyo shakhsiyaadka kale ee saamaynta leh ee adduunka oo dhan. 

Waxa ay ka wada hadlayaan arrimaha muhiimka ah ee xilligan saameynaya bulshada dunida casriga ah iyo dhaqaalaha adduunka. 

Shakhsiyaadka horey madashan khudbadaha uga jeediyey waxaa ka mid ah: Hillary Rodham Clinton, Kofi Annan, Mahmoud Abbas “Abu Mazen”, José María Aznar, Michel Barnier, José Manuel Barroso, Joe Biden, Dick Cheney, François Fillon, Bill Gates, Angel Gurría, Henry Kissinger, Vaclav Klaus, Christine Lagarde, Bruno Le Maire, David Lidington, Emmanuel Macron, John McCain, Shimon Peres, Queen Rania of Jordan iyo shaqsiyaad kale.

Wasiir Khadiija ayaa loo arkaa inay Soomaaliya ka hayso xil muhiim ah, ayada oo caalamka oo idil uu hadda ku baraarugsan yahay halista isbeddelka cimilada oo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waa weyn ee dunida ay wajaheysa qarniga 21-aad. 

Wasiirka ayaa maanta la kulantay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirka ku sugan, oo ay ka mid tahay Dr Okonjo-Iweala oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota ururka ganacsiga adduunka ee WTO, wasiirka arrimaha dibedda South Afrika iyo xubno kale.