Sawirro: Nin iskiis isku hor toogtay aqalka cad ee Mareykanka

Washington (Caasimada Online)- Nin hubeysan ayaa iskiis iskugu hortoogtay aqalka cad ee Mareykanka looga taliyo. ciidamada sirdoonka iyo kuwa gaarka ah ee aqalka cad ayaa sheegay in ninka istoogtay uu usoo dhowaaday xeen-daabka darbiga aqalka ee wadada Pennsylvania, isagoona watay qoriga uu madaxa iskaga dhuftay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xiligii falkan dhacay ka maqnaa aqalka cad oo nasasho ugu maqnaa Mar-a-Lago ee Florida.

Ilaa hadda booliska iyo CID-da ayaan ogeyn sababta ninkaan uu isku toogtay, hase ahaatee ay wadaan baaris arrintaan ku aadan. Markii falkaan uu dhacayay ayaa dadkii goobta ku sugnaa naftooda qalqal geliyeen iyagoo goobta ku kala cararay.