AKHRISO: Maamulka K/Galbeed oo ka jawaabay Aflagaado uu u geystay  G. ku-xigeenka Labaad ee BFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa si kulul looga jawaabay haddal kasoo yeeray Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uu Aflagaadeeyay Guddoomiye Mahad Cabdalle Cawad, isla markaana ay doonayaan in  cadeeymo uu u keeno aflagaadada uu ku sameeyay maamulka.

Qoraalka maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiye ku xigeenka Mahad Cabdalle Cawad uu wax kama jiraan ka dhigay sharciyada maamulka, kadib markii uu sheegay in maamulka uusan laheyn dastuur ay bulshada u siman tahay.