Fadeexad ka dhextaagan Xarunta M/G/Banaadir ee lagu bixiyo Sharciyada Ganacsi

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xarunta maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in maamulka uu shaqo ka joojin ku sameeyay tirro shaqaale ka tirsan maamulka.

Shaqaalahan ayaa la sheegay in shaqada laga joojiyay kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira inay ka ganacsadaan shatiyo ganacsi oo been abuur ah.

Shaqaalahaan oo baaritaano dheer kadib qirtay qiyaanada Qaran oo ay ku kaceen, ayaa waxaa shaqada looga fadhiisiyay amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Guddoomiyaha Gobolka Eng. Yariisow ayaa shaqo ka joojinta shaqaalahaasi kadib sheegay in maamulka uu sharciga la tiigsan doono dhammaan shaqaalaha lagu helay ka ganacsiga shatiyada been abuurka ah, waxa uuna ku tilmaamay inay ku kaceen ‘’Qiyaano Qaran’’.

Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyaha Gobolka Yariisow faray Saraakiisha ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo qeybta Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka in ay soo xiraan xarumaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah.

Guddoomiye Yariisow, waxa uu sidoo kale amar ku bixiyay in gabi ahaanba albaabada loo laabo Madbacadii sameysey tiimbaraha been abuurka ah iyo shaqaalaha ka shaqeeya madbacadaasi.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay ganacsatada aan heysan shatiyada in ay si deg deg u sameystaan, maadama Maamulka Gobolku ay si adag uga hortagi doonaan gobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah loo furtay.

Dhinaca kale, talaabadan ayaa muujineysa kalsooni darro iyo fadeexad ku timid maamulka Gobolka Banaadir, waxa ayna arrintaan mugdi galin kartaa howlaha shaqo ee maamulka sare kala dhexeeya shaqaalaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com