Sawirro: Nin watay boorso qaraxyo looga shakiyey oo lagu qabtay GURICEEL

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ayaa maanta Magaalada Guriceel ku xiray nin dhalinyaro ah, oo la socday gaari rakaab ah, wax yar uun ka dib markii uu gaarigaasi yimid magaalada.

Ciidamada Booliska oo ninkaasi aad mooddo in ay xogtiisa si gaara ah u socdeen ayaa si gooniya ula baxay, iyagoona baaritaan ku sameeyay boorso iyo bac madow, oo agab uu ku watay.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ninkaasi la tuhmay in walxaha qarxa uu wado, balse laga waayay, markii la baaray agabkii uu watay.

Ciidamada Booliska ayaa ninka dhalinyarada ula dhaqaaqay Saldhigga Booliska ee Guriceel, si halkaasi su’aalo loogu weydiiyo.

Ma cadda sababta ay Ciidamada Booliska u kaxeysteen ninkaasi, haddii aan walxaha qarxa laga helin boorsadii uu watay.

Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Guriceel ayaan weli ka hadlin waxa lagu haysto ninkaasi, inkastoo la fahamsan yahay inaanu deegaanka ahayn.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa maalin ka hor sheegay in dagaal-yahanada Al Shabaab ay culeys soo saareen deegaanada Galmudug.