Mareykanka oo si rasmi ah u billaabay hawl-galka Octave Quartz ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya uu soo gaaray markabka dagaal ee diyaaradaha xambaara ee USS Makin Island ARG.

Markabkaan Mareykanka leeyahay ayaa qeyb ka noqon doona hawlgalka lagu daadgureynayo ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, ee loogu magac daray OCTAVE QUARTZ.

Qoraalka lasii daayay ee qiraalka arrintaan ayaa lagu sheegay in markabka ay la socdaan ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo ilaalin doona hawlgalka daad-gureynta, iyadoo la rabo in laga fogaado qalqal galinta hawlaha bixitaanka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo dhawaan xafiiskiisa baneyn doona, ayaa horey u amray in lasoo saaro ciidamada ka jooga Soomaaliya oo lagu qiyaaso 700 askari, waxaana la sheegay ineysan jirin cid fasax u siisay iney halkaas ka hawlgalaan.

Soomaaliya waxaa ku sugan kumanaan askar ah kuwaas oo matalaya dalal kala duwan, dhamaan waxey ka mideysan yahiin la dagaallanka dagaalyahanada Al-Shabaab oo aan wali u muuqan kuwa laga adkaaday.

Si kastaba hawlgalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka jirto marxalad kala guur ah, sidoo kalana aan wali la isku raacin hanaanka doorashooyinka dalka oo mudadiisa ay sii dhawaaneyso.