26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: Noocee ayey u badnaayen gaadiidka ay Turkida ku wareejisay Boorsaani

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga Veysi Kaynak, ayaa goordhow maamulka Gobolka Banaadir ku wareejiyay Gaadiid cagaf cagaf ah iyo agab kale oo lagu horumariyo dhismooyinka iyo deegaanka.

Veysi Kaynak, ayaa sheegay in Gaadiidka Cagaf cagafka ah ay ugu tallo galeen in lagu hormariyo bilicda magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in bixinta Gaadiidkaasi iyo Agab kalaba ay ahaayen kuwo horay looga dalbaday.

Veysi Kaynak, waxa uu sheegay in Dowlada Turkiga ay dooneyso in Somalia ay isaga mid noqdaan nashqada dhismooyinka iyo bilicda, sidaa darteedna ay garab istaagi doonaan Somalia.

Veysi Kaynak, ayaa sidoo kale sheegay in Somalia ay la garab istaagi doonaan wax waliba oo lagu sara qaadi karo bilicda magaalada Muqdisho oo ah xudunta Somalia.

Sidoo kale, Veysi Kaynak ayaa goobta ka sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Boorsaani uu ku wareejiyey 52 Gaari oo waa weyn iyo Warshad Dhismo oo loogu tala galay in lagu hormariyo Caasimadda.

- Advertisement -

Read more

Local News