Xog: Maxaad kala socotaa dhibaatada loo maro baasaboorka Soomaaliya iyo laaluushka jira?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jirto Dhibaato aad u weyn oo ay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan qaadashada Baasaboorka taasoo isugu jirto mid dhaqaale iyo mid ku saabsan helitaanka Baasaboorka oo loo maro arrimo dhib badan.

Marka laga hadlayo qiimaha  Baasaboorka Soomaaliya, wuxuu ka mid yahay Baasaboorada ugu liito adduunyada oo aan lagu tagi karin wadamo badan, haddana waa midka ugu qaalisan adduunyada marka loo fiiriyo baasaboorada aan tayada fiican laheyn, sidoo kale wuxuu ka qaalisan yahay baasaboorka ugu tayada fiican Adduunka.

Tusaale ahaan Baasaboorka ugu tayada badan adduunka laguna tagi karo wadamada ugu badan waa dalka Ingiriiska, waxaa lagu tagi karaa ilaa 173 Wadan haddana qiimihiisu waa 110 Dolar.

Baasaboorka Soomaaliya oo tayada Baasaboorada adudunka kaga jiro kaalinta 100-aad marka loo fiiriyo qiimeynta Henley visa restrictions index ayaa qiimaha ahaan lagu heli karaa ilaa 140 Dollar marka la isku daro dhammaan shuruudaha looga baahan yahay qofka Soomaaliga ah ee doonayo inuu qaato Baasaboor, marka lagu darana Laaluushka kaaga baxayo wuxuu qiimahaas gaarayaa ilaa 173 Dollar oo aad ku arki doonto warbixintaan iyo weliba qaabka ay lacagtaas ku baxeyso.

Qofka Soomaaliga ee doonayo inuu qaato Baasaboorka marka ugu horeyso waxaa laga rabaa inuu tago Xarunta Dambi baarista CID halkaas oo looga baahan yahay inuu ku bixiyo lacag gaareyso ilaa 10 Dollar, waxaana kuusii dheer haddii aadan laaluush ku darin lacagtaas waxaad sugi doontaa muddo 3 berri ah halka dadka Laaluushka dhiibo ay ku helayaan waraaqdaas muddo saacado ah.

Markaad soo hesho waraaqdaas, waxaa haddana waajib kugu ah inaad tagto Xarunta Gobolka Banaadir si aad uga soo qaadato waraaqda Dhalashada iyo midda Sugnaanta oo iyaga lagaa rabo sida sharciga ah 24 Dollar, balse mid la mid ah sidii CID-da waxaa iyadana lagaa rabaa Laaluush haddii aad ku rabto waqti yar hadii kale waxaad xayirnaan doontaa muddo Seddex Maalin sababtaas waxaa ugu wacan iyadoo ay mudnaanta koowaad leeyihiin dadka 24 Dollar ee sharciga ah ku daro lacag dheeri ah oo ay qaataan Shaqsiyaad kamid ah dadka daabaco waraaqahaas iyo kuwa dalaaliin ah oo iyaga u shaqeeyo.

Markaad intaas soo marto ayaa imaaneysaa Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxaana halkaas ka jirto sheeko la mid ah middii aan kasoo sheekeynay iyo mid ka daran, koow waxaa lagaa rabaa inaad keensato waraaq codsi ah oo ay waajib tahay in lagaaga qoro gudaha xafiiskaas si lagaaga qaado lacag gaareyso ilaa 5 Dollar, haddii aad adiga soo qoroto lagaama aqbalayo waxaadna la kulmeysaa handadaad iyo qasab.

Sidoo kale waxaa halkaas lagaaga rabaa inaad ku gasho Sawir teesare ah oo lacag la,aan ah balse marka aad galeyso aad rafaad kala kulmeyso haddii aadan laaluush hoose dhiibin, waxaana halkaas caado ka ah oo ay xataa maamulka ogyihiin musuq maasuq iyo Laaluush iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar ka tirsan Madaxda ay wax ka abaabulaan laaluushkaas oo ay ku leeyiin xoogaa.

Sida Sharciga ah Baasaboorka Kaligiis waa 108 Dollar, waana lacag qaali ah, wuxuuna 2 Dollar ka yar yahay midka Ingiriiska oo ah kan ugu tayada wanaagsan adduunka maadaama lagu tagi karo 173 Wadan waxaadna ku qaadan kartaa 110 Dollar.

Waxay ahaan laheyd Janno haddii aysan jirin arimaha kale ee Laaluushka ah, maadaama qofka qaadanayo Baasaboorka ee dhiibay dhammaan lacagha aan kor kusoo sheegnay oo marka la isku daro ah 137 Dollar uu marayo dhibaato xagga watiga ah, waxaana jirto Laaluush gaarayo ilaa 40 Dollar oo qofka deg dega u rabo ay ka qaadayaan shaqaalaha daabaco iyo qaar ka tirsan Madaxda Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Haddii aadan dhiibin lacagtaas Laaluushka ah  waa inaad ugu yaraan sugtaa 2 Asbuuc waxaana markaas kaa baxeyso 137 Dollar, balse haddii aad u rabto qof xanuunsan, qof Siminaar ka daahsan iyo qof arrimo kale oo deg deg ah u baahan waxaa baasaboorka Soomaaliya uga baxeyso 173 Dollar oo u dhaw laba jibaar lacagta lagu helo Baasaboorka Ingiriiska ee la ogyahay tayadiisa, waxaadna marka aad 173 Dollar dhiibto Baasaboorka Soomaaliga laguugu keenayaa Xafiiskaaga iyo saacado gudahood.

Haddi aysan arrintaas dowladda wax qaban, waxay culeys weyn ku noqon doontaa Shacabka Soomaaliyeed, maadaama Baasaboorka iyo dhibaatada lagala kulmayo ay waqti kasta kor usii socoto, waxaana laga cabsi qabaa inuu noqdo Baasaboorka Soomaaliya midka ugu qaalisan adduunka haddii aan arrintaan si deg deg ah wax looga qaban.

Xafiisyada laga qaato baasaboorka iyo waxyaabaha la xiriiro ayaa ah xafiisyada ugu musuqmaasuqa badan Dowladda Soomaaliya, mana ah arrin la iska indha tiri karo, sidoo kalana waa arrin culeyskeeda laga dareemayo Muqdisho iyo Soomaaliya,  sidoo kalana waxaa lagama maarmaan ah in Dhammaan shaqaalaha xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha lagu sameeyo shaqo joojin maadaama ay ku kaceyn dambi qaran oo ay ku mudan karaan in laga saaro liiska Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya isla markaasna ah arrin mudan in maxkamad lagu soo taago.

Sida Sharciga ah ee u dajisan dowladda, qofka ah Shaqaale dowladeed xilkiisa lagama qaadi karo ilaa lagu helo fal dambiyeed ka dhan ah qaranka, haddaba waa inay madaxda dowladda fuliyaan sharcigaas oo ay dabagal ku sameeyaan waxyaabaha dhibaatada ku ah qaranka ee ka jiro Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com