Muran ka dhashay muuqaalkii laga duubay Soomaaligii lagu toogtay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in muran xoogan uu ka dhashay qaabkii loo dilay laba ruux oo la sheegay inay ahaayen Gaangiska Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Muranka dilkaani ayaa waxa uu ka dhashay sida jeesjeeska ah ee loo dilay labada dhalinyaro, waxaana lasoo sheegayaa in muwaadinka Soomaaliga ahaa keliya uu xubin un ka ahaa Gaangiska balse uusan wali geysan dil iyo boob toona.

Qareenada dalka Kenya ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada kaasi oo muujinaya askari dhar cad ah oo si jeesjees ah u tooganaayo labada dhalinyaro.

Qareenada ayaa ka hor imaaday dilka labada ruux waxa ayna soo jeediyeen in Maxkamad lasoo taago ruuxa dilka geystay.

Waxa ay Qareenada ku doodeen in labada ruux ee la dilay ay mudnaayen in marka hore Maxkamada lasoo taago, kadibna loo jaro xabsi si ay u qaatan ciqaabtooda, balse aysan aheyn in falalka noocaasi ah lagu dhex sameeyo gudaha magaalada.

Isaac Okero oo ah Madaxa ururka qareenada dalka Kenya, ayaa sheegay in muuqaalkaasi uu ahaa mid naxdin leh, isla markaana ay mudan tahay in ruuxa dilka geystay Maxkamad lasoo taago.

Geesta kale, falka lagu toogtay labada dhalinyaro ayaa waxaa aad usoo dhaweeyay dadka Kenyaanka ah oo iyagu sheegay in go’aanka lagu dilay labada ruux uu yareen doono dhaca ay geystaan Gaangiska.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com