Dowladda Burundi oo go’aan cusub kasoo saartay ciidamada ka joogo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Burundi ayaa go’aan cusub kasoo saartay ciidamadeeda ka tirsan Midowga Africa ee ku sugan Gudaha Soomaliya, kadib dood dheer iyo fakar ay u gashay sidii ay u gaaro laheyd go,aan kama dambeys ah.

Haddaba Dowladda Burundi ayaa sheegtay in ay dib uga laabatay  Go,aan keedii ahaa in ciidamadeeda jooga Soomaaliya kala bixi doonto kaddib markii la xaliyay Cabashooyin ay   ka tabanayeen Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay ciidamadeedu baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya

Go,aankaan cusub ayaa imaaday kadib markii uu wadahadal dhex maray Ismaaciil Sharqi oo Guddoomiyaha Amniga iyo Nabad Gelyada Midowga Afrika iyo Madaxweyne kuxi-geenka koowaad ee Dalkaas, waxaana halkaas la isku afgartay in si joogtada ah loo bixiyo mushaarka Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan kana tirsan howgalka AMISOM.

Madaxweynaha dalka Burundi ayaa dhawaan soo diray hanjabaad cuslus oo ku socotay madaxda Midowga Africa taasoo aheyd inuu maxkamad ka dacweyn doono haddii aan la bixin mushaarka Ciidamada ka joogo Soomaaliya oo aan muddo Mushaar qaadan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay dowladda Farmaajo qorsheeneyso inay tababar siiso Ciidamada Soomaaliyeed si looga maarmo AMISOM oo qaato mushaar aad badan oo wax badan u qaban lahaa ciidamada Soomaaliyeed.

Inta ay Joogaan ciidamada AMISOM macquul ma noqon doonto in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo tayo maadaama ay qaadanayaan Mushaarkii beesha caalamka ugu deeqi laheyd Ciidamada Soomaaliya, sidoo kalana inta ay AMISOM mushaar heleyso macquul maahan inay Soomaaliya ka baxdo, maadaama Wadamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ay markii horaba usoo direen maadaama aysan awoodin mushaarkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com