Weriyihii la afduubtay shalay oo la helay isagoo xirxiran (Yaa afduubtay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya afduub shalay loo geystay wariye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsanaa Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa shalay waxaa afduubatay ilaa lix ruux oo la sheegay inay bastoolad ku hubeysnaayeen, waxayna kala dageen gaari uu saarnaa kaasi o marayay duleedka magaalada Muqdisho.

Hanad Cali Guuleed, ayaa saaka laga helay beer ku taala magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la helay isaga oo lugaha iyo gacmaha ka xirxiran, lamana oga cidda ka dambeysay.

Axmed Welli Xuseen oo kamid ah shaqaalaha Goobjoog ayaa sheegay in mid kamid ah beeralayda gobolka Shabeelaha Hoose uu ku caawiyay inay xog ka helaan wariye Hanad Cali Guuleed, maadaama beertiisa la dhigay.

Wuxuu sheegay in ninka beeraleyda uu ku wargeliyay inay soo doontaan Hanad oo uu ku dhex arkay beertiisa isaga oo xiran.

“Nin Beeraleey ah ayaa Afgooye naga soo wacay, isaga oo leh nin lug iyo gacan ka xiran ayaa halkaan ku arkay i caawi ayuu i dhahay, kadibna taleefoonkaan ii wac ayuu dhahay sidaas ayaan idiin soo wacay ee ninkaan soo doonta.” Ayuu yiri Ahmed Wali.

Hanad Cali Guuleed ayaa kasoo shaqeeyay warbaahin kala duwan oo Muqdisho ku taala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com