Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kasoo degay Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayo Ra’isal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga.
Wafdigan oo ka yimid dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Ra’isal wasaare ku-xigeenka Somalia iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada cusub ee Somalia.
Dowladda Turkiga ayaa maanta la filayaa in maamulka Gobolka Banaadir ay ku wareejiso, gaadiid waaweyn iyo cagaf cagafyo loogu talo galay in shaqada Gobolka Banaadir lagu qabto.
Ra’isal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga, ayaa mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho la kulmi doona madaxda dowladda Federalka Somalia.
Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho waxaana waddooyinka qaar ku sugan Ciidamo farabadan.


