Sawirro: Puntland oo walxo qarxa oo la qabtay maanta ku soo bandhigtay Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland howlgallo ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay qaraxyo nooca miinada dhulka lagu aaso, islamarkaana laga hago meelaha fog-fog.

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xusseen Cali Maxamuud oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi oo ay si wadajir ah ay fuliyeen ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta lagu soo qabtay qaraxyadaasi, islamarkaana ay ku raad-joogaan raggii watay oo baxsaday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay hayaan gaarigii ay wateen raggaasi, islamarkaana ay dhoowaan soo bandhigi doonaan.

G/Sare Xusseen Cali Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in la doonayey in qaraxyadaasi lagu aaso bartamaha magaaladaasi, si loogu dhibaateeyo shacabka.

Si kastaba ha’ahaaten dhowaan ayey aheyd markii Puntland sidan oo kale ay Boosaaso ugu soo qabatay qaraxyo, iyadoo toogatay mid ka mid ah raggii watay, halka mid kale isaga oo dhaawac ah ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Ammaanka deegaanada Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad-gelyada, waxaana ugu dambeeyey qaraxii Gaalacyo ee lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland.