Karaash oo laga mamnuucay warbaahinta maamulka P/L kadibna tallaabo qaaday

Garowe (Caasimada Online)- Iyadoo Puntland ay xaalado cakiran oo dhanka amniga ah ka jireen maalmahii lasoo dhaafay, hadana waxaa kasii darat khilaaf u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa maamulka, waxeyna arrintu gaartay in dagaal dhanka warbaahinta ah uu yimaado.

Khilaafkan ayaa maraya heer madaxweyne ku-xigeenka Puntland laga mamnuuco inuu adeegsado warbaahinta maamulka, taasi oo ku qasabtay inuu abuurto bogag u gaar ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii hore isku khilaafay xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka madaxtooyada.

Madaxweyne Deni ayaa xilka ka qaaday taliye ku xigeenkii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada, wuxuuna durba magacaabay mid kale, arrintaas waxaa kasoo horjeestay ku xigeenkiisa Karaash, oo waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadista iyo magacaabista labadaba.

Walaac weyn ayaa soo kordhay kadib markii khilaafka uu u gudbay dhanka warbaahinta, tacsi uu Axmed Karaash u diray gudoomiyahii gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay ayaa laga saaray bogga talafashinka Puntland oo markii hore lagu daabacay.

Xaaladda waxey kasii dartay markii bogga madaxtooyada maamulka Puntland aan lasoo galin tacsi uu Karaash u diray ehalada gudoomiyahii gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay, hase yeeshee in wararkiisa lasoo galiyo boggaas waxaa ugu dambeysay horaantii April xilli uu la kulmay guddi gurmad ah.

Ugu dambeyntii Axmed Cilmi Cismaan Karaash wuxuu go’aansaday inuu sameysto bog cusub uu ku faafiyo waxqabadkiisa, kaas oo durba gilgilay baraha bulshada Soomaalida.