Sawirro: Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Paris

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxaani oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa waxa uu ka dhacay Foorno ku taalla xaafada Rue de Trevise oo dhacda Waqooyiga Magaaladaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxani ay maleynayaan in uusan aheyn mid ay soo maleegeyn waxa ay ugu yeeray argagixisada balse uu ka dhashay Gaas dab qabsaday maadaama meesha uu ka dhacay qaraxa ay Foorno aheyd.

“Weli ma arag qof ku geeriyooday qaraxaani balse waxaynu aragnay dad uu dhaawac kasoo gaaray, xalada markii ay degto ayaan dib warbaahinta ugu warbixin doonaa khasaaraha rasmiga ah” Sidaasi waxaa sheegay saraakiisha caafimaadka dalkaasi oo warbaahinta warbixin kooban ka siinayay qaraxaasi iyaga oo ku sugan meel ku dhaw isla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Waxaa lasoo warinayaa dhaawacyo badan oo qaraxaasi ka dhashay balse ilaa iyo haatan lama hayo tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloowday qaraxaani, waxaana saraakiisha caafimaadka ay sheegeen in dhaawacyadu la geeyay isbitaalada Paris si xaaladooda caafimaad loola tacaallo.

Waxaa durbadiiba baraha bulshada gaar ahaan Twitterka qabsaday sawiro argagax leh oo muujinaya baaxada qaraxaasi iyo waxyeelada uu gaarsiiyay dhsimooyinka ku hareersan.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kuwa dab demiska oo ku howlan sidii ay dabka ka dhashay qaraxa u damin lahaayeen.