Sawirro: Axmed Qoor Qoor oo billaabay ololaha qorshaha xasaasiga ee Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa bilaabay olole uu taageero ugu raadinayo meel-marinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhagan meel-marinta heshiiskaasi, wuxuuna qorsheynayaa in dhawaan la horgeeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in nidaamka Madaxtinimada dalka u guuro madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen iyo in doorasho wadajir ah ka dhacdo dowlad-goboleedyada dalka oo dhan.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo wax ka saxiixay heshiiskaasi, ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaan dowladda federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Galmudug.

Qoor-Qoor ayaa Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ee uu kula shiray Muqdisho ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran oo xubno kamid ah Xildhibaannada ay ka soo horjeedaan.

Kulankaan ayaa kusoo dhammaaday isfahan guud, iyada oo xildhibaannada inta badan ay soo dhaweeyeen codsiga madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda maamullada iyo xukuumadda ku booriyay dardar-gelinta qorshahaan, iyada oo dhawaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu Baydhaba iskugu geeyay inta badan Xildhibaanada labada Golle ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale Xildhibaannada ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo xusid mudan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin meel-marinta qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo.

Si kastaba, Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana sii xoogeysanaya ololaha lagu doonayo meel-marintiisa.