Sawirro: R/W Rooble oo goor dhow ka dagay Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Rooble iyo wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa waxaa garoonka Shaati-Gadiid ku soo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha maamulkas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono madaxda maamulkaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay wadooyinka muhiim ah ah ee magaalada Baydhabo.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa la sheegay inuu la xiriiro dardar-gelinta howlaha doorashooyinka iyo arrimaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkaasi.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee dalka gudihiisa ah, ugana baxo Muqdisho Rooble, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha, bishii Septembar ee sanadkan 2020-ka.