Xog: Musharaxiinta oo isu qeybiyey laba garab iyo qorshe cajiib ah oo ay caawa billaabeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay qorshe ay caawa Muqdisho ka bilaabeen musharaxiinta maanta shirku uga furamay Muqdisho ayaa sheegaysa iny isu qeybiyeen labo garab.

Qorshaha ayaa ah sidii wax looga bedeli lahaa guddiyada magacaaban ee doorashada, gaar ahaan kuwa laga soo magacaabay dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle.

Laba garab ayey isu qeybiyeen musharaxiintaan oo u badan kuwo ka soo kala jeeda Galmudug iyo HirShabeelle, waxayna caawa la kala balansanyihiin madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh, Xasan Kheyre, Cabdikariin Guuleed, Daahir Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Mustaf Dhuxulow loo diray inay qorshahooda caawa ka gadaan madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Caawa ayaa sida aan xogta ku helnay lagu balansanyahay in la isugu yimaado hoyga Xasan Sheekh uu ka deganyahay Muqdsho, waxayna xubnahaas Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor u gudbin doonaan cabashadooda ay ka qabaan guddiga doorashada ee Galmudug laga soo magacaabay, kuwaas oo la sheegay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.

Sidoo kale xubnaha kala ah Sheekh Shariif, Cabdulqaadir Cosoble iyo Maxamed Siiriin ayaa caawa loo diray inay la xariiraan Madaxweynaha cusub ee HirShabelle Cali Guudlaawe.

Si lamid ayaguna waxay la wadaagayaan Cali Guulaawe walaaca ay ka xubnaha guddiga doorashada heer federal ee HirShabeelle ka yimid, kuwaas oo uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdi Waare.

Musharaxiintan oo kala ah Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale ayaa berri u balansan kulankooda oo gelaya maalinkiisii labaad.

Ajendaha ugu horeeya ee kulanka berri ayaa la sheegay inuu yahay in musharaxiintu ka doodaan wixii ay caawa kala kulmaan kulamada iyo wadahadalka ay la yeelanayaan Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor.