Xog: Maxaa Villa SOMALIA uga qorsheysan shirka musharaxiinta e Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shirweyne uu uga furmay magaalada Muqdisho, ayada oo la filayo inay kasoo saaraan go’aano ay ku diidayaan inay ka qeyb galaan doorashada madaxweyne.

Sababaha ugu weyn ee diidmadooda ayaa ah inay dhaliilsan yihiin guddiyada doorasho oo ay sheegeen inay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay tashanayaan shirarka Muqdisho ka socda iyo sida laga yeeli doono go’aanada la filayo inay kasoo baxaan.

Madaxda dowladda ayaa isha ku haayo natiijada shirkaas ka soo bixi karto iyo tallaabada xigta ee ay qaadi lahaayeen haddii musharaxiinta ay qaadacaan doorashada madaxweyne.

Madaxtooyada oo looga bartay in marka uu dareenka siyaasadda u weecdo dhinaca mucaaradka ku disha dhacdooyin kale, ayaan maanta qaadan wax tallaabo ah, waxaase macquul ah inay taas ku beegto go’aanada shirka.

Villa Somalia ayaa ka go’an inaysan marnaba aqbalin in guddiyada doorasho wax laga beddelo, taasi oo haddii ay dhacdo ay u aragto fishil siyaasadeed iyo in masraxa siyaasadda looga adkaaday.

Sababta ugu weyn ee diidmada ayaa ah in Villa Somaliaay rumeysan tahay in mucaaradka markii horeba aysan kaalin ku lahayn magacaabista guddiyada, oo ay ahayd arrin u taalla dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, mana jirto illaa hadda dowlad goboleed si rasmi ah u diiday, inkasta oo Jubaland iyo Puntland ay muujiyeen diidmo aan shaacsaneyn.

Si kastaba, madaxtooyada Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadis badan oo dhanka mucaaradka ah iyo xubnaha beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah in ugu dambeyn ay u hoggaansato haddii beesha caalamka ay la safato mucaaradka.

Bayaan ay dhowr maalmood ka hor soo saartay beesha caalamka ay ku dalbatay in xal loo helo arrimo dhowr ah oo taagan oo badankood lagu eedeeyey dowladda, taasi oo muujineysa in beesha caalamka u dabacsan tahay dhanka mucaaradka.

Kasii daran’e, Haddii Puntland iyo Jubaland ay si rasmi ah ugu aragti noqdaan mucaaradka, ma jiro xal aan ahayn in beesha caalamka ay cadaadis saarto Villa Somalia.